• Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda
    Apr 17 2024

    Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

    Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    45 mins
  • Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir
    Mar 3 2024

    Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.

    Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    1 hr
  • Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya
    Feb 7 2024

    Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.

    Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    38 mins
  • Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha
    Dec 10 2023

    Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.

    Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    59 mins
  • Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle
    Nov 22 2023

    Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.

    Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    39 mins
  • Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha
    Sep 30 2023

    Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.

    Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.

    Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah.

    Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco.

    Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    54 mins
  • Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo
    Sep 21 2023

    Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    28 mins
  • Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada
    Aug 30 2023

    Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.

    Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan is-dhexgalka bulshada deegaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda. Mid kamid ah siyaabaha dhibaatooyinkaas loo xallin karo ayaa ah ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa beelaha laga tirada badan yahay in ay cayaraan kaalinta isku xirka baahiyaha dadkaas iyo hay’adaha gargaarka, kuwa dowladda iyo bulshada lagusoo barakacay.

    Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadkaas barakacayaasha ah helidda adeegyada asaasiga ah, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xal-u-helida arrimahaas ururrada bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Waxaa marti ku ah Yusuf Cabdi Xasan oo ah agaasimaha hay’da Livelihood Relief and Development Organization (LRDO), oo ka mid ah haya’adaha bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay.

    Podcast-gan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

    Thanks for listening!

    Show more Show less
    1 hr and 1 min